Abdi2005 Posted October 27, 2006 Aadan Saransoor oo xalay Baydhabo isaga baxay Aadan Saransoor oo kamid ah siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa xalay ka ambabaxay magaalada Baydhabo,isagoo qabtay dhanka degmada Waajid ee gobolka Bakool. Saran soor ayaa la sheegay isaga iyo 5 kamid ah gawaarida dagaalka oo galbineysa in ay u socdaaleen dhanka Waajid halkaasi oo warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in ay wadahadallo ku yeelnayanaan isaga iyo Masuuliyiin katirsan Maxkamadda Al Bayaan. Socdaalka Saran Soor ayaa la sheegay in uu ka horeeyay xiriir xagga telephone-ka ah oo Masuuliyiinta Maxaakiimta ay la soo sameeyeen Saran Soor,sidaasina ay ugu yeereen shir wadahadal ah. Dadka reer Baydhabo ayaa u arka talabaadaasi mid lagu go’doominayo dowladda FS,oo iyadu aan awood sidaas ah laheyn,waxaana dadka qaarkood ay sheegayaa in Saran soor laga yaabo dowladda in dagaal uu ku bilaabo. Dowladda FS ayaan wax hadal ah kasoo saarin socdaalka Saran Soor uu ku aaday Waajid,hayeeshee maalmihii lasoo dhaafay ayaa xiisad colaadeed waxaa ay ka dhex taagneyd Saran Soor iyo xubno kamid ah Dowlada FS. Jibriil Nuur Alghamidi Xafiiska MarkaCadey Muqidisho - Somalia news@markacadey.net Quote Share this post Link to post Share on other sites