Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan xaqiijiyay in Bushaaro Baandey u xidhan tahay wiil uu dhalay madaxweynuhu

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20230730-WA0003.jpg

Hargeysa ,(Qaran news)-Xildhibaan Axmed Khaliif oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta shaaciyay xog qarsoonayd oo aan hore loo ogayn, waxaanu caddeeyay in Suxufiyadda Bushaaro Baande ay u xidhan tahay wiil uu madaxweynuhu dhalay oo la yidhaahdo Axmed Muuse Biixi.

Xildhibaan Axmed Khaliif oo u warramay Galaydh Media, ayaa sheegay in isaga iyo Xildhibaan Siciid Cudhay ay maalin Hargeysa isku arkeen Wiilka Madaxweynaha ee Maxamed Muuse, kadibna uu isagu kala hadlay in Bushaaro Baande haysto Maxamed Kaahin, Waxaanu yidhi “Maxamed Muuse markii aan ku idhi inanta miyaanu Maxamed Kaahin (Wasiirka Arrimaha guduhu) haysan oo aanay socon ergo lagu sii daynayaa, wuxuu iigu jawaabay intuu miiska garaacay “ma sii dayn karo, aniga ayey ii xidhan tahay oo markii ay Jigjiga timid ilaa Wajaale dhaqdhaqaaqeeda waan la socday.”

“Anigu waxaan leeyahay dadka inantaas qoyskeeda ah ee leh Maxamed Kaahin bay u xidhan tahay iyo muxuu u sii dayn waayay, waar uma xidhna ee Maxamed Muuse Biixi ayay u xidhan tahay haddii aad cid uga ergoonaysaan u taga isaga uga ergooda,”ayuu yidhi Xildhibaanku.
Waxa kaloo uu sheegay in maxkamad horteed arrintaas kaga dhaaranayo isla markaana uu goobtii uu Maxamed Muuse ku sheegay inay u xidhan tahay isaga uu la joogay Xildhibaan Siciid Cudhay oo ka tirsan Golaha deegaanka Hargeysa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this