Sign in to follow this  
Deeq A.

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐡𝐝𝐚 C𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐫𝐫𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐡𝐢𝐥𝐚𝐚𝐟𝐭𝐚 oo ka Qabsoomay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐡𝐝𝐚 C𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐫𝐫𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐡𝐢𝐥𝐚𝐚𝐟𝐭𝐚 oo ka Qabsoomay Hargeysa

IMG-20230730-WA0001.jpg

Hargeysa (Qaran news)- Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda JSL, Mudane Ismaaciil Saleebaan Maxamed (Bowkax), ayaa furay shirkii bilaha ahaa ee daneeyayaasha bahda caddaaladda carruurta.

Ujeedada shirkan ayaa ahayd soo bandhigista xogtii laga soo uruuriyey saldhigyadda booliska iyo Xabsiyadda bishi u danbaysay.

Sidoo kale waxa mudadii shirku socday la isla eegay xogta ay hayaan hay’addaha bahda caddaaladda caruurta ka shaqeeya iyo gudiyadda lixda xafadood ee gobolka Maroodi-jeex.

Geesta kale waxa intii uu kulanku socda lagu gorfeeyay xogtii laga soo ururiyay xabsiyadda iyo saldhigyadda lixda gobol ee JSL.

Shirkan oo ay bil walba qabato wasaaradda caddaaladda JSL ayaa diiradda lagu saraa sidii loo yarayn lahaa danbiyadda ay galaan carruurta sharciga khilaafta, isla markaana xadhigood loogu badali lahaa xarumo dhaqan celineed oo wax lagu baro si loo helo caruur bad-qabta.

Waxana Kulankaa kasoo qaybgalay xubno ka socday wasaarada arrimaha gudaha, horumarinta caafimaadka, wasaaradda Ciyaaraha, booliska, Ciidanka Asluubta, Xeer ilaalinta, Maxkamadaha, Baahi-koob, Hava-yoco, Daladda Nagaad, Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka, BVO iyo gudida xaafadaha 26-juun, Gacan-libaax, Koodbuur, Maxamed Mooge, Axmed Dhagax, 31-ka May iyo ururada bulshada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this