Sign in to follow this  
Deeq A.

Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ku wajahan Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1690702659380.jpg?resize=720%2C54

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Ibraahim Sheikh ayaa sagootiyay guutadii ugu danbaysay ee ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ku wajahan degaanada Galmudug.

Ciidamadan ayaa ka qeyb galidoona wajiga labaad howlgallada lagu xoreynayo degaanada Galgaduud Iyo Mudug ee Galmudug.

Taliyaha oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada ku wajahan Galmudug ku booqday Xerooyinka General Daaud iyo Gen dhaga Badan ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Xerada General Dhaga Badan kula Hadlay Ciidamo cusub oo tababar kusoo qaatay dalka dibadiisa isagoona Ciidanka ku boorriyay inay ka feejignaadaan dhagarta AS.

Wuxuuna ku kula dar Daar may inay gacan adag kula dagaallamaan argagixisada. Wuxuu Ciidanka faray in ay u diyaar garoobaan dhawaan dagaalka xoreynta ah ee Dalka looga saarayo Argagixisada.

Ciidamadan ku wajahan Galmudug ayaa dhawaan lagusoo tababaray dalka Uganda, waxaana loogu talo galay inay qeyb weyn ka qaataan dagaalka kooxdaas.

PUNTLAND POST

The post Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ku wajahan Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this