Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda iyo mucaaridka Kenya oo heshiis wada gaadhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Kenya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sameeyo guddi si hoose ugu xalliya khilaafaadkooda, kaddib toddobaadyo ay socdeen dibad baxyo rabshado wata.

War saxaafadeed ka soo baxay labada isbahaysi ee siyaasadda ayaa lagu sheegay in guddiga isku dhafka ah uu ka koobnaan doono toban qof oo dhinac walba ay shan qof ka imaanayaan.

Waxay ka wada hadli doonaan dib u habeyn lagu sameeyo guddiga doorashada, iyo in xafiis rasmi ah loo sameeyo hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga.

Wuxuu diiday inuu aqbalo sharcinimada madaxweyne William Ruto, isagoo ku andacoonaya in doorashadii ugu dambeysay la xaday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this