Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Ciidan horudhac u ah safarka madaxweyne Xasan oo gaaray magaalada….

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidamada-ciidan-scaled.jpeg?fit=2560%2C

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusmareeb ayaa sheegaya in magaaladaasi ay gaareen ciidan horudhac u ah wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ku wajahan Galmudug.

Ciidamadan oo boqolaal gaaraya, isuguna jira Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Hay’adda Nabad Sugidda ayaa maalmo ka hor laga diray Magaalada Muqdisho, iyagoona safar dhinaca dhulka ku gaaray duleedka magaaladaasi.

Ciidamadan ayaa la soo sheegaya in ay fariisimo ka sameysteen goobo uu ka mid yahay Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur.

Wafdi horudhaca u ah safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Dhuusamareeb ayaa sidoo kale gaaraya magaaladaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad uu ku wajahan yahay Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka soo laabtay safar uu maalmahaanba ugu maqnaa dalka Talyaaniga ayaa la filayaa in safarkiisa ugu horreya uu ugu ambabaxo Dhuusmaareeb, haddii aanu qorshihiisu waxba iska bedelin.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu saldhig ka dhigto magaaladaasi, si uu halkaasi uga la socdo wejiga labaad ee gulufka ay tahay in maleeshiyada Al-Shabaab lagaga saaro dhulka ay ka maamulaan Gobolada Dhexe.

Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka faray in ciidamada loo dhaqaajiyo dhanka Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri, oo ah kuwooda ugu waaweyn ee ay haatan Shabaabka kaga sugan yihiin Gobolada Dhexe.

Saraakiisha sarsare ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la filayaa in sidoo kale ay fariisimo ka sameystaan Magaalooyinka Galcad iyo Ceeldheer midkood, inta uu socdo hawlgalka lagu xoreynayo Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanada kale ay Shabaabku ka haystaan Bariga Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo in muddo kooban lagu soo afjaro hawlgalada Galmudug iyo HirShabelle, deetaana ciidamadu ay u qalab qaataan, sidii ay Shabaabka kaga saari lahaayeen deegaanada ay ka haystaan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalin ka hor caasimadda Muqdisho ka diray ciidan xoog leh, oo u badan kuwii lagu soo tababaray dalka Eritrea, kuwaa oo sida la sheegay hawlgal sifeyn ah ka samayn doona deegaanada dhaca xadka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Hawlgalkan ayaa ah mid lagu go’doominayo Shabaabka ka arrimiya Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug, iyadoona uu yoolku yahay in laga hortaggo gurmadka kaga iman kara dhanka Gobollada Koonfureed.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda ayaa iyana la filayaa in ay hawlgalo ka sameeyaan daanta galbeed labada gobol ee HirShabelle (Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe), oo maleeshiyada Al Shabaab ay weli ka joogaan goboladaasi. Wejigii hore ee hawlgalka ayaa maleeshiyadaasi lagaga saaray deegaanadii ay ka maamulayeen bariga goboladaasi.

Inkastoo wejiga labaad ee hawlgalka uu wax badan ka dib dhacay xilligii la filayay in dalka uu bilowdo, haddana Dowladda Federaalka ayaa hadda u muuqato mid si dardar leh ku waddo qorshaha lagu abaabulayo, laguna diyaarinayo ciidamada ka qayb qaadanaya hawlgalkaasi.

The post Xog: Ciidan horudhac u ah safarka madaxweyne Xasan oo gaaray magaalada…. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this