Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo warbixin xasaasi ah u gudbisay madaxweyne Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Xamse-iyo-Mahad.jpg?fit=2048%2C136

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee shalay kormeer ku tegay xarunta dhexe ee Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay hoggaanka sare ee NISA, gaar ahaan Taliye Mahad Salaad.

Madaxweynaha ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaga si wadajir ah ugu guur-galay hannaanka shaqo ee Hay’adda NISA oo kaalin weyn ku leh amniga dalka.

Intaas kadib madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha NISA, waxayna la wadaageen shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan dalka.

Saraakiisha ayaa si gaar ah warbixintooda uga hadlay amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan magaalada Muqdisho iyo guulaha ay kasoo hoysay Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

The post NISA oo warbixin xasaasi ah u gudbisay madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this