Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqor Osman oo madaxweynaha Somaliland ku Eedeeyay inuu beelo Isku isku diraayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa- (Qaran news)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi inuu beesha Ciise Muuse ku guubaabinayo inay Berbera difaacdaan oo ay ka hortagaan jabhada buurta Gacan libaax galay.

Boqor Buurmadow wuxuu beesha Gabiley Clan ugu baaqay inay ku soo dareeraan oo ay gacanta dalka ka qabtaan Muuse Biixi maadaama oo ay dhaqaalihii iyo awoodii gacanta ku hayaan. Waxaanu u mahadcelitay Cali Guray, Dhegaweyne, Xildhibaan Laab-saalax iyo Suldaan Xasan oo uu majeertay siday badhadhahooda uga dhiibtay hoggaaminta Muuse.

Waxa kaloo uu ku dhaliilay beesha East Burco Clan inay labadii xil ee ay hayeen Komishanka iyo Guurtiddu ay
khalad ku galeen.

Sidoo kale Boqor Buur-madow wuxuu sheegay in xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI aanay waxba ka ogayn kooxda buuraha galay, waxaanu beesha West Burco Clan u soo jeediyay in aanay dagaal soo arkeen maanta lagu noqon karin 1994kii.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this