Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Beesha Cayr oo Guriceel ku soo bandhigtay 3,000 oo dagaalame + Qorshaha

Recommended Posts

Deeq A.   
b3780e9f-57bf-417a-9911-5274ca1a76ee.jpe

Guriceel (Caasimada Online) – Duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa galabta lagu soo bandhigay boqolaal askari oo ciidan Macawiisley ah, kuwaas oo u diyaarsan inay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Ciidankaas oo gaaraya 3,000 oo askari ayaa loo diyaariyey inay ka qeyb noqdaan howlgalka wajiga labaad ee kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo gobollada dhexe.

Dugsiga tababarrada ciidamada ee Harqaboobe oo ku yaalla duleedka degmada Guriceel ayaa lagu soo bandhigay ciidankaas oo aad u hubeysan.

Guddoomiyaha degmada Guriceel Faarax Cabdi Macalin oo khudbad u jeediyey ciidankaas ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay qaadanayaan masuuliyadda ka saaran suurta gelinta sidii ciidankaan uu uga howl-geli lahaa deegaanada la qorsheeyey inay Shabaab ka xoreeyaan.

Sidoo kale goobtii maanta lagu soo bandhigay ciidankaan waxaa ka soo muuqday saraakiil sare oo ka tirsan hey’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, kuwaas oo la aaminsan yahay inay soo abaabuleen ciidankaan ka socda dadka deegaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online dagaalyahanadaan galabta lagu soo bandhigay degmada Guriceel dhamaantood waxay ka soo jeedaan beesha Cayr ee Habargidir, waxaana la doonayaa inay qeyb ka noqdaan xoreynta Ceelbuur ee deegaanada kale ee gobolka Galgaduud.

Ciidankaan cusub waxaa la sheegay in loo dhameystiray hubkooda, isla markaana dowladda Soomaaliya ay uga faa’iideysaneyso ka qeyb galka wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo dhawaan bilaabanaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa la sheegay in maalmaha soo socda ay u guurayaan Dhuusamareeb, halkaas oo dagaalka ay ka hoggaami doonaan.

b3780e9f-57bf-417a-9911-5274ca1a76ee.jpe ed780d90-600a-429d-8c14-1f00e8d867cf.jpe 2ef0dcfe-63d3-4cd7-aee6-a691be58def4.jpe 9dd8c1e1-847b-4c2a-ae84-bdf55be3a2b2.jpe bd5131de-38e2-4ccc-a711-400326265d7c.jpe fe88e02e-a60d-43a3-ae01-9c98f93ae16c.jpe 49ad5050-ecd7-44d7-b0e1-9b5221f640e9.jpe

The post Sawirro: Beesha Cayr oo Guriceel ku soo bandhigtay 3,000 oo dagaalame + Qorshaha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this