Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxaa ka soo baxay kulamadii Xasan Sheekh, hoggaanka NISA iyo guddiga…?

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Xamse-iyo-Mahad.jpg?fit=2048%2C136

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT).

Madaxaweynaha ayaa xubnaha guddiga ka dhageystay warbixin ku saabsan miro-dhalka qorshaha qaran ee cuuryaaminta awoodda dhaqaale ee argagixisada Al-Shabaab.

Guddigan Qaran ayaa soo bandhigay baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada.

Sidoo kale waxay kulankaan ka sheegeen in la daciifiyey awooddii argagixisadu ay u lahaayeen uruursiga baadda iyo boobka ay ku hayeen ganacsatada Soomaaliyeed oo si joogto ah ay dhaqaale uga qaadi jireen.

Guddiga ayaa sheegay in tallaabada kooxda looga jaray dhaqaalaha ay aas-aas u tahay ciribtirka iyo dabargoynta argagixisada ka dagaalameysa Soomaaliya ku naaxday dhaqaalaha shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab uu leeyahay saddex furimood oo isbarbar socda kuwaas oo kala ah;

1 – Furinta dhaqaalaha, 2 – Tan fikirka 3 – Iyo dhanka milatariga, wuxuuna sheegay in aan laga xoreyn karin dalka haddii aan guul wadajir ah laga keenin furimahaas isku sidkan.

Dhanka kaale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehlinayo Ra’iisul XFS Xamse Cabdi Barre ayaa kormeeray xarunta hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran, iyaga oo u kuur galay howla shaqo ee ay hay’adda u hayso dalka.

358087308_700312172139925_18322124608638 363990573_700312092139933_16954532557922 364065135_700312175473258_57689404984991 Xasan-Sheekh-2.jpg?resize=593%2C395&ssl= Xasan-Xamse-iyo-Mahad.aa_.jpg?resize=696 Xasan-Xamse-iyo-Mahad.jpg?resize=696%2C4

The post Sawirro: Maxaa ka soo baxay kulamadii Xasan Sheekh, hoggaanka NISA iyo guddiga…? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this