Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in uu maanta dagaal ka qarxay buurta Gacanlibaax?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa jira warar sheegaaya in dagaal ka dhex qarxay ciidamadda jabhada ah ee fadhigoodu yahay buurta Gacanlibaax iyo ciidamada xukuumadda ee daganaa agagaarkaasi.

Waxa ay wararka rasmiga ah ee goobtaasi naga soo gaadhay ay sheegayaan in aan wax dagaal ahi aanu deegaanadaasi ka dhicin, waxa ay sidoo kalewararku sheegayaan in waftigii uu hogaaminaayay Badhisaabka gobolka Saaxil oo xalay u hoyday deegaanka Go’oda uu saaka u boqoolay xaga iyo deegaanka Sheekh, halkaasi oo ay wararku sheegayaan ay dhexda iska heleen ciidamo ka tirsan Jabhada hubaysan xagaasi oo sida la xaqiijiyay ay rasaas aan cidna wax ku noqon ay is wayaarsadeen ciidankii ilaalada u ahaa waftiga badhisaabka, xabadaasi oo qadar yar socotay waxa ku gurmaday odayda deegaanka oo xasladii caadi ku celiyay.

Waxana ay waftigii badhisaabku ay u gudbeen deegaanka Sheekh iyaga oo bed qaba waxana ay la hadleen dadweynaha deegaankaasi iyaga oo u sheegay qiimaxa ay nabadu leedahay dadkana u sheegay in ay xukuumadda kala shaqeeyaan amniga

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this