Sign in to follow this  
Deeq A.

<p>Badhasaabka Saaxil oo beeniyay in la Weerara...

Recommended Posts

Deeq A.   

Badhasaabka Saaxil oo beeniyay in la Weeraray

Berbera-Qaran news)-Badhasaabka Gobolka Saaxil Cali Case ayaa beeniyay in saaka lagu rasaaseeyay tuulada isku-dar oo u dhexaysa degmooyinka Go’da weyn iyo Sheekh, waxaanu tilmaamay in aanay wax dhibaato ahi ka dhicin deegaankaas.

Badhasaabku wuxuu intaas ku daray in uu muddo joogay degmada Go’da weyn oo uu kula kulmay waxgaradka deegaanka oo uu kala hadlay in dadweynuhu aanay wax cabsi ah qaadin oo ay hawlahooda iska qabsadaan.

Badhasaabka Saaxil wuxuu intaas ku daray in markii uu gaadhay tuulada isku-dar uu uga sii gudbay Sheekh isla markaana ay gabi ahaanba been abuur tahay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in jabhadii gashay buurta Gacan-libaax weerartay weftigii badhasaabku hoggaaminayey,

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this