Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamed Deeq Madar oo xalay lagu dilay Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1690620662403.jpg?fit=604%2C453&s

Cape Town (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay ganacsade Soomaaliyeed loogu geystay agagaarka magaalada Port Elizabeth oo ka tirsan gobolka Westren Cape ee dalka Koonfur Afrika oo Soomaalida lagu dhibaateeyo.

Koox burcad Afrikaan ayaa lagu soo warramayaa inay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Deeq Madar wuxuuna ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee u shaqo tegay dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilay marxuumka ay horay uga qaateen lacag iyo agab kale oo u dhex yaallay dukaankaa.

Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.

Hase yeeshe wax natiijo ah oo illaa hadda kasoo baxday baaritaanka la sameeyay majirto.

Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Si kastaba, Ma jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaalida ah ee dalkaasi u shaqo doontay, oo iyagu u badan dhaca, dhaawaca iyo dilalka loo geysto dadka ajaaniibta ah ee ku ganacsada dalkaasi.

Waxaa sidoo kale haatan soo kordhay afduub loo geysanayo Soomaalida, taas oo walaac ku abuurtay ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Koonfur Galbeed.

The post Maxamed Deeq Madar oo xalay lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this