Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo qaaday tallaabo la xiriirta qaraxii Kuliyadda Jaalle Siyaad

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-1.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliyam Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday tallaabo la xiriirta weerarkii is-miidaaminta ahaa ee todobaadkii hore ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo dalka ka maqnaa xilliga uu dhacayay weerarkaasi, balse haatan soo laabtay ayaa xalay kulan deg-deg ah isugu yeeray saraakiisha laamaha amniga ee dowladda, isaga oo ka hadlay ammaanka, dagaalka Al-Shabaab iyo qodobo kale.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulankan oo saacado badan qaatay lagu gorfeeyay weerarkii Kulliyadda Jaalle Siyaad, ayada oo madaxweynuhu saraakiisha wax ka weydiiyay qaabka uu u dhacay weerarkaas oo shaki weyn dhaliyay.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiisha uu la kulmay waxa uu faray inay qaadaan tallaabo ku aadan weerarkaasi, isla-markaana ay sameeyaan baaris guud.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in saraakiisha hay’adaha amniga laga rabo inay jawaab cad ka keenaan dhacdadaasi, si ay dowladdu u qaado tallaabada ugu haboon.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu  soo qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, ayada oo madaxweynaha uu warbixin ka dhageystay saraakiisha qaar, kuwaas oo faah faahin ka bixiyay guulaha laga gaaray howlgalladii u dambeeyay ee dhacay.

Qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad oo lagu dilay askar badan oo ka tirsan ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya ayaa waxaa fuliyay qof soo xitay jaakadda qaraxyada, kaas oo gudaha u galay xerada, kadibna beegsaday ciidamadaas, xilli ay ku jireen safaf dhaa dheer.

Ciidamada la qarxiyay ayaa ka tirsanaa guutada 14ka October ee fadhigoodu yahay gudaha magaallada Marka, waxaana weerarkan laga keenay su’aallo ku aadan in kooxda Shabaab lagala shaqeeyay qaraxaas, maadaama Kulliyadda Jaalle Siyaad ay tahay meel la ilaaliyo.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli dowladda Soomaaliya ay isku diyaarineyso wajiga labaad ee dagaalka Shabaab, kaas oo ay ka qaybqaadanayaan dalalka dariska ah.

The post Madaxweyne Xasan oo qaaday tallaabo la xiriirta qaraxii Kuliyadda Jaalle Siyaad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this