Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo ka shaqaynaya xiriir dhexmara Israel iyo Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0a00-0242-76b4-08db8f55cc2c_w40

La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa maalin ka hor Jeddah kula kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, waxaa sidaas sheegay Aqalka Cad.

Safarkan ayaa qeyb ka ah isku day ay saraakiisha Mareykanka ku raadinayaan habab lagu gaari karo heshiis dhex-mara Israel iyo Sacuudi Carabiya, kaasi oo ay ku yeelanayaan xiriir diblomaasi.

Saraakiisha Mareykanka ayaa muddo bilo ah raadinayey wax noqon kara heshiis taariikhi ah oo dhex-mara Riyadh iyo Tel Aviv, hase yeeshee Sacuudiga ayaa iska caabinayey.

Madaxweyne Joe biden ayaa taleefishinka CNN u sheegay horaantii July, in Israel ay iyo Sacuudi Carabiya ay aad uga fog yihiin heshiis xiriir, oo ay qeyb ka noqon doonaan axdi difaac iyo barnaamij Nukliyeer rayid ah oo Riyadh ay ka dooneyso Washington.

Sullivan, oo uu safarka ku wehliyo isku xiraha Aqalka Cad ee arrimaha Bariga Dhexe, Brett McGurk, ayaa la kulmay bin Salman iyo saraakiil sare oo Sacuudiyaan ah, waxayna kala hadleen xasiloonida Gobolka Bariga dhexe.

Saraakiisha Mareykanka ayaa u arka heshiis dhexmara Israel iyo Sacuudiga mid suurtagal ah kadib markii maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu heshiisyo kan la mid ah dhex dhigay Israel iyo qaar kamid ah dalalka carbeed.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo ka shaqaynaya xiriir dhexmara Israel iyo Sacuudiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this