Deeq A. Posted July 29, 2023 Doorkan in aynu wada quusno ama wada dabaalano, Allaah ka sokow, adiga ayay kugu xidhan tahay. Waa hubaal in talaabada aad maanta qaado ay qormi doonto, mid maxsuul wanaagsan dhalisa iyo mid aan fiicnayn ka ay noqoto ba. Haa, waxay ku qormaysaa far waawayn oo aan dhayal ku duugoobin.Sabab? Rejadeenii dawladnimo, dedaalkii umaddeed ee 32 soo tamarinayay, tacabka badan na ku baxay iyo wadajirka shacbiga ee muhiimka inoo ah intu ba, waxay dultaagan tahay jardheer oo mugdi ku gedaaman yahay. Hal talaabo kama badna inta ay u jiro inay jarkaa ka shalwato, Allaah kama dhigo e.Si la mid ah, hal talaabo oo keliya ayaa saamixi karta in SL ka leexato, kana badbaado jidkaa qodxaha badan.Madaxweyne; waad awooddaa inaad jidka toosan innagu jihayso wadar ahaanteen.Markale aan ku celiyo; talaabo keliya oo aad qaado ayaa labadaa jid ba sargoyn karta.Abti, bi’iwaaye, dalkeena aynu badbaadino oo aynu badbaadsano, si loo kala badbaado, loo na wada badbaado. Kani waa jidka lagu wada badhaadhi karo. Waan ku dhaarshaye, ha dhayalsan!Haddii laga yaabo inay jiraan saaxiibo weli ku taaggan dariiqooyin kale oo aan danteena caamka ah u adeeggaynin, xusuusnow in maxsuulka xaaladdaha jira aanay hadhow iyagu kula wadaagi doonin, wanaag iyo xumaan ba. Sidaa darteed, mararka qaarkood ku-tiirsanaanta talooyinka aan wanaagsanayn ee saaxiibada in hoggaamiyuhu ka fiirsado ama dhegaha ka furaysto, waa arrin lagama-maarmaan u ah hoggaaminta, markay furdaamin rejo umaddeed iyo masiirka dalka timaado, tani na qof ahaan waa mid aad awooddo. Badbaadinta dalkeena iyo wadajirkeena umadnimo, waa xil-gudasho sharcigu kugu waajibiyay, if iyo aakhiro na, adiga kugu qormaysa. Waad qori kartaaye, innoo sumad jid wanaagsan oo innaga wada farxiya, cid kastoo saamayn togan xaaladdaha jira ku yeelan karta miis iskugu kiin keeni kara.Madaxweyne; abti oo adeer; jidka badbaadada innagu hoggaami. Fududaa oo fududaa midhkaasi, mis na farxad badanaa!Way sahlan tahaye, Allaah hakuu sikhiro.Abshir dhaha dadweynow! Waxa qoray Barkhad Daahir WadajirIyoNabad talaabokeliya Source Share this post Link to post Share on other sites