Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif, siyaasiyiin iyo dhaqanka Mudullood oo shir muhiim ah uu u furmay

Recommended Posts

Deeq A.   
Sh-Shariif-Guudlaawe-iyo-dhaqanka-Mudull

Burka-derin (Caasimada Online) – Shirka dib u heshiisiinta beelihii ku dagaalamay Shabeellada Dhexe ayaa caawa ka furmay degaanka Burka-Derin ee gobolkaas, waxaana shirkaas furay masuuliyiin uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed, Cali Guudlaawe, Ugaaska iyo Iimaamka beelaha Mudullood ayaa caawa shirkaan ka furay degaanka Burka-derin, waxayna halkaas ka jeediyeen kalmado bilow u ah  deminta colaadaas.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo mudooyinkii dambe ku sugnaa deegaankaas, isla markaana ka mid ahaa masuuliyiintii dadaalka badan ku bixisay in shirkaan la isugu yimaado ayaa halkaas ka jeediyey kalmadiisa furitaanka shirka.

“Colaada waxaa ugu daran mida qaraabada gasha waxay leedahay cuqubo khatar ah, dadkaan kalama mudna inay isdilaan, waa in dhaqankaan deg deg loo bedelo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Shariifka ayaa sheegay dhaqanka labada beelood ay uga dambeynayaan xalka xiisadaan, isla markaana ay korjoogto un ka ahaanayaan, “Labada beelood ee walaalaha ah waxaan rabnaa inaan loo dhaxeyn oo si toos ah ay u wadahadlaan, guddigii aan dhisnay waa diyaar, anaguna waan idinla joognaa hadii wax idinku adkaadaan,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Dhankiisa Madaxweynaha HirShabeelle ayaa caawa degaanka Burkaderin ka jeediyey kalmadiisa furitaanka shirka, wuxuuna dhaqanka labada beelood kula dardaarmay inay iska dhowraan hadalada xanafta leh, mudada ay socdaan wadahadalladaan.

Sidoo kale Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, iyo Iimaam Daahir Iimaam Maxamuud ayaa kalmado koo-kooban ka jeediyey furitaankii shirkaan dib u heshiisiinta ah ee caawa ka furmay degaanka Burkaderin.

Ugaaska iyo Iimaamka ayaa ka dalbaday labada beelood inay daacad ka noqdaan go’aanada lagu gaarayo gogoshaan, “Runta hadii aan isku sheegno Abgaal waa is yaqaan, sidii uu isku laayo ayuu isku cafiyaa ee gogoshaan arrinta aan uga hadleyno daacad halaga ahaado,” ayuu yiri Iimaam Daahir.

Hoos ka daawo

 

The post Sheekh Shariif, siyaasiyiin iyo dhaqanka Mudullood oo shir muhiim ah uu u furmay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this