Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Madaale oo ka hadlay xaalad ku qasabtay inuu labada lug ka jaro hooyadiis

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaale.jpeg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka sheekeeyey dhibaato caafimaad oo ay la kulantay Hooyadiis, taas oo sababtay in ‘labada Lugood laga jaro.’

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in hooyadiis markii hore ay hal Lug ay ka xanuunsatay, markii uu dhakhtar geeyey wuxuu sheegay in lagu war-geliyey in ‘lugtaasi ay goyn tahay’ markii la gooyey ayuu sheegay in lugtii kale ay xanuuntay.

Wuxuu sheegay in wax cudur ah aan laga sheegin, balse loo sheegay in xididada dhiigga qaada ay xirmeen, lugtii kale ayuu diiday in la jaro, waxaana loo qaaday dalka Turkiga.

Guddooomiye Madaale wuxuu sheegay in maalmo kadib dhakhaatiirtii Turkida ay u cadeeyeen in xal aan goyn aheyn aysan laheyn lugtii labaad ee Hooyadiis.

“Intaas kadib waan iska quustay, waxaana go’aansaday in Hooyo lugteeda labaad aana uga jarin dalkaas qabowga ah, waxaana u soo qaaday dalka, Muqdisho ayaan lugtii labaad uga jarnay Hooyadey,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Duqa Muqdisho ayaa hadalkaas ka sheegay munaasabad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka cudurka dilaaga ah ee Cagaarshowga, munaasabadaas ayaa lagu qabtay Isbitaalka Madaxtooyada Qadanka.

Munaasabaddaan oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin kala duwan iyo howl-wadeennada isbitaalka ayaa lagu soo bandhigay khatarta uu leeyahay xanuunkan dilaaga ah iyo dhabbaha ugu wanaagsan ee looga hortegi karo, si ay uga foojignaadaan halistiisa shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Isbitaalka Madaxtooyada JFS Dr. Xuseen Maxamuud ayaa ka warbixiyey qataraha cudurka oo dadka badankood sahalsada, madaama cagaarshowga dhaqaatirta u yaqanan dilaaga qarsoon (silent killer).

Wasiir ku xigeenka caafimaadka oo hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa Maamulka isbitaalka ku bogaadiyey dadaallada ay ku bixinayaan xoojinta wacgelinta bulshada si ay uga taxadiraan badqabka caafimaadkooda.

The post Daawo: Madaale oo ka hadlay xaalad ku qasabtay inuu labada lug ka jaro hooyadiis appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this