Sign in to follow this  
Deeq A.

Afhayeenka Jabhada Gacanlibaax oo ka soo jeeda Hargeysa oo eedeeyay Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa, (Qaran news)-Afhayeenka jabhadda hubaysan  ee ka soo hor jeeda xukuumadda Muuse Biixi kuwaasi oo galay Buuraha gacan libaax Axmed Cali Haybe ayaa sheegay in Muuse Biixi yaqaano afka qoriga isla markaana ay luuqada qoriga kula hadli doonaan.

Axmed Cali Haybe wuxuu ku eedeeyay Muuse Biixi inuu albaabada u xidhay nidaamkii dimuqraadiyadda Somaliland.

Waxa kaloo uu ku eedeeyay inuu cid walba ka diiday talooyinkii loo jeediyay, imikana sida kaliya ee la iskaga dhicin kartaa tahay cuddud millatari.

Afhayeen Axmed Cali Haybe wuxuu sheegay inay jabhada ay sameeyeen ku soo dhaweynayaan cid kasta oo kala aragti ah inay ka xoreeyaan dalka kaligii taliye Muuse Biixi oo uu ku sifeeyay macangag.

Jabhadani raga ugu sareeya ee hagayaa waxa ay ka soo jeedaan magaalada Hargeysa siiba bariga iyo koonfurta, deegaano ka aradan mashaariicda iyo wax qabadka xukuumadda iyo hay’adaha caalamiga ah, marka aad bar bar dhigtid gobolka Maroodijeex.

Waxa sii badanaaya dhalinyarada ka tagaysa bariga Hargeysa ee ku biiraaya jabhadaasi, sidoo kale waxa iyana jabhadaasi laga taageeray qaybo badan oo ka mid ah gobolada bariga.

Isku soo wada duuboo waxa uu kacdoonkani salka ku hayaa doorashadii madxweynaha ee la qaban waayay ee laga soo horu mariyay doorashada ururada  taasi dalka u hor seeday qayb sanaan iyo in ay maanta jabhad hubaysani ka dhex dilaacdo badhtamaha Somaliland

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this