Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo war ka soo saartay go’aan la xiriira Afrika oo Ruushku ku dhawaaqay

Recommended Posts

Deeq A.   
Putin-scaled.jpeg?fit=2560%2C1750&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay hadalkii shalay ee madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin  oo sheegay in Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrika ka tirsan sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiin doono Qamadiga ama Sareenta.

Wasiirka warfaafinta Soomaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo ka hadlay hadalkii Madaxweyne Putin ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa go’aankii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Putin ee ahaa in 25-50,000 tan oo hadhuudh ah lagu gaarsiinayo lacag la’aan 7 waddan oo ay Soomaaliya ku jirto.”

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya wuxuu intaas ku sii daray “Waa go’aan bini’aadantinimo oo togan oo caawin doona kumanaan Soomaali ah oo ay soo food saartay cunto yari.”

Hadalka Putin iyo jawaabta Wasiir Daa’uud ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta lasoo gabagabeeyey shir ay isugu yimaadeen Ruushka iyo dalalka Afrika oo isla gorfeeyey arrimo dhowr ah.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa hoggaamiyayaasha iyo mas’uuliyiinta waddamada Afrika ka ballan-qaaday in Moscow ay siin doonto Qamadi iib ah ama bilaash ah, si gaar ah waddamada ugu baahida badan, si looga hortago hubanti la’aanta cuntada caalamka.

Walwalkaan la xiriira cuno yarida waxaa sababtay diidmada Ruushka ee dhoofinta Qamadiga ay soo saarto Ukraine ee mara Badda Madow, maadaama Ruushku uu dagaal ku qaaday Ukraine.

Putin oo ka hadlayay furitaanka shir-madaxeedka Afrika iyo Ruushka oo laba maalmood ka socda magaalada St. Petersburg ayaa yiri “Waxaan horay u sheegay in waddankeenu uu bedeli karo Qamadiga Ukraine, labadaba ganacsi ahaan iyo deeqaha dalalka Afrika ee u baahan.”

Waxa uu hadalkiisa kusii daray “Waddankeenu wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siiyo dawladaha iyo gobollada u baahan, gaar ahaan, gargaarka bini’aadantinimo.”

“Waxaan raadineynaa in aan si firfircoon uga qayb qaadano dhismaha nidaamka qaybinta kheyraadka. Waxaan sameyneynaa intii karaankeena ah si aan uga hortagno dhibaato cunto oo caalami ah.”

Laakiin, Aqalka Cad ayaa diiday sheegashada Putin ee ah inuu doonayo inuu xalliyo dhibaatada cunnada ee saamaysay waddamada ugu saboolsan adduunka.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Putin looga fadhiyo inuu madaxda Afrikaanka u sheego inuu sabab u yahay caqabadaha nololeed ee xilligaan wajahayaan.

“Waxaan rajeynayaa inuu u sheego, ‘Aniga ayaa sabab u ah sababta qiimaha cunnada uu u kacsan yahay. Aniga ayaa sabab u ah inaad dhibaatooyin badan kala kulmi doontaan gaajada, iyo helidda cunto iyo hadhuudh wadamadiina,” ayuu yiri John Kirby.

The post DF oo war ka soo saartay go’aan la xiriira Afrika oo Ruushku ku dhawaaqay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this