Sign in to follow this  
Deeq A.

Halka ay marayaan dadaallada dib loogu furayo wada-hadallada DF iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-Muuse-Biixi.jpeg?fit=2048%2

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing.

Kulankaan ayaa diirada lagu saaray wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, iyo weliba safarkii ay dhawaan wakiilku ku tagtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Ergeyga ayaa Wakiilka uga warbixiyay dedaalka dowladda federaalka Soomaaliya ugu jirto suurta-gallinta hanaan rasmi ah oo ay labada dhinac kuwa wada-hadlaan, kuna heshiin karaan.

“Ergeyga ayaa warbixin ka siiyay wakiilka safarkii hayaanka midnimada oo ay dhawaan ku gaareyn ergeyga iyo wafdi uu hoggaaminayo magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay kullamo wada-tashi ah kula soo qaateyn madaxda iyo bulshada dowladda KGS,” ayaa lagu yiri bayaan uu xafiiska ergeyga kasoo saaray kulankaan.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dedaalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kullamada wada-tashiga ah ee uu xafiiska ergeyga ka billaabay dowlad-goboleedyada dalka.

Sidoo kale waxay wakiilka warbixin ka siisay kulamadii ay la yeelatay masuuliyiinta reer Somaliland, waxayna u muujisay sida ay diyaar ugu ahaayen dib u bilowga wada-hadallada iyo dardar-galintooda intaba.

Kulankaan uu ergey Guuleed uu la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing ayaa qeyb ka ah kulamo uu la yeelanayay wakiiladda beesha caalamka, kuwaasi oo ku qotomay dardar-gelinta arrimaha wada-hadallada loo xil-saaray.

Cabdikariin Guuleed oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay 1-dii bishii April ee sanadkaan, una magacaabay ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland ayaa tan iyo markaas taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Guuleed ayaa sidoo kale qorsheynaya in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada.

Si kastaba, dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo furo wada-hadallada muddo hakadka ku jiray iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabto Somaliland.

363347847_740711378095471_77251761483432

363346615_740711421428800_71805638704584

363348376_740711461428796_76464423663362

The post Halka ay marayaan dadaallada dib loogu furayo wada-hadallada DF iyo Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this