Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Niger oo la xiray kadib inqilaab ka dhacay dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   
7b5b29b4-aa96-417a-b727-5fbef926ebd1_cx0

Madaxweynaha Niger Mohamed Bazoum ayaa wacad ku maray inuu ilaalin doono mirihii dimoqraadiyadda ee “sida adag loogu guuleystay” kadib markii ciidamada ay xireen, kuna dhawaaqeen inay la wareegeen xukunka.

Bazoum ayaa waxa xiray xubno ka mid ah ilaalada madaxtooyada, kuwaasi oo saacado kadib ku dhowaaqay in dhammaan hay’adaha dowladda ee dalka shaqadooda la hakiyey, xuduudaha la xiray, islamarkaana bandow habeekii ah lasoo rogay.

Ayada oo ururo African ah iyo kuwa caalami ah ay cambaareeyeen afgambiga, islamarkaana Faransiiska iyo Mareykanka oo xulufo la ah ay taageero u muujiyeen, Bazoum ayaa muujiyey dhiifanaan.

Madaxweynaha dalka deriska ah ee Benin, Patrice Talon ayaa la filayey in uu tago magaalada Niamey isaga oo wada dadaallo dhex-dhexaadin, waxaa sidaa sheegay madaxa ururka ECOWAS.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Niger oo la xiray kadib inqilaab ka dhacay dalkaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this