Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaliya iyo Maraykanka oo ka wada-hadlay Cuna-qabataynta Maaliyeed ee Kooxaha Argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1690474190934.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mudane Brian Nelson ayaa soo bandhigay tallaabooyina dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha argagixisada AS.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeerarka iyo shuruucda  loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen argagixisadu ay soo dedejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay Kuxigeenka Xoghayaha Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Mareynka ee cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada, doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta iyo hormarka laga sameeyay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Dhankiisa, Brian Nelson ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha soo dhaweynta iyo kulanka ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharicdarada iyo ladagaallanka argagixisada.

PUNTLAND POST

The post Soomaliya iyo Maraykanka oo ka wada-hadlay Cuna-qabataynta Maaliyeed ee Kooxaha Argagixisada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this