Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada oo war kasoo saaray qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
362893463_640211174874699_85909181359019

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkooda todobaadlaha ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay weerarkii Kulliyadda Jaalle Siyaad, howlgallada ka socda dalka iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Shirkan ayaa waxaa maanta guddoomiyay Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud Sheekh Cali, maadaama ay dalka ka maqan yihiin ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo sidoo kale ku xigeenkiisa, Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Golaha ayaa shirkooda kusoo qaaday qarixii is-miidaaminta ahaa ee ay Isniintii lasoo dhaafay Al-Shabaab ku beegsatay ciidamo ku sugnaa Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho.

Ugu horreyn golaha ayaa cambaareeyay weerarkaas oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid fuleynimo ah oo ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale golaha wasiirada ayaa tacsi u diray ehellada askarta lagu laayay weerarkaasi, ayaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

“Waxaa uu goluhu tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku shahiiday weerarkaasi, iyagoo isla markaana Allah uga baryey inta dhaawacantey inuu Ilaahay deg-deg u caafiyo” ayaa lagu yiri war laga soo saaray kulanka.

Dhanka kale, golaha ayaa dhegeystay warbixino ku saabsan guulaha haatan laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu beegsaday Al-Shabaab ee ka socda dalka, kuwaas oo ay soo gudbiyeen wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Guda ee Soomaaliya.

Inta uu kulanka socday waxaa sidoo kale lagu ansixiyay illaa shan hindise sharciyeed oo muhiim ah, kuwaas oo la horgeeyay xubnaha golaha wasiirada.

Hindise sharciyeedyada la meel-mariyey ayaa kala ah:-

  1. Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
  2. Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.
  3. Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.
  4. Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.
  5. Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka

Iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.

362893463_640211174874699_85909181359019 363324138_640211164874700_65963750942380 363326807_640211221541361_30273225668690 363389855_640211114874705_18196350861731 363411994_640210548208095_83413238145738 363780988_640210488208101_12935246372469 Doodishe.jpg?resize=696%2C508&ssl=1 Jibriil.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Golaha wasiirada oo war kasoo saaray qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this