Sign in to follow this  
Deeq A.

Afgambi ka dhacay dal ku yaalla Galbeedka Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
3b1dbe78-2274-47f8-b713-7496b74a074a.jpg

Niger (Caasimada Online) – Ciidamada dalka Niger ee ku yaalla Galbeedka Africa, ayaa telefishinka qaranka ee dalkaas kaga dhawaaqay afgembi.

Waxay sheegeen inay laaleen dastuurka dalka, oo ay kala direen dhamaan xarumaha kala duwan ee ku yaalla dalka, isla-markaana ay xireen xudduudaha dalkaas.

Ciidamada ayaa Arbacadi shalay ahayd xiray madaxweynaha dalkaas Niger, Mohamed Bazoum iyo sidoo kale ilaaladiisa.

Qaar kamid ah waddamada beesha caalamka ayaa dhaleeceeyay falkaasi afgembiga ee ka dhacay Niger, iyagoo ku tilmaamay wax aan la aqbali karin.

Madaxweyne Bazoum ayaa ah xulafo muhiimka ah oo reer galbeedka ku taagera dagaalka ka dhanka ah kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama Galbeedka Afrika.

Laba waddan oo ay deris yihiin Niger, oo kala ah Mali iyo Burkina Faso, ayaa wajahay afgambi ay dabada ka riixayeen kooxaha jihaad doonka ah oo soo badanayay sanadihii u dambeeyay.

Xigasho: BBC

The post Afgambi ka dhacay dal ku yaalla Galbeedka Afrika appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this