Deeq A. Posted July 27, 2023 8 qof ee jabhada Gacanlibaax ay qafaalatay ayaa xalay saq badhkii la soo daayay kadib markii waan waan wakhti qaadatay lala galay Dhanka kale waxa jira ciidan xoogan oo ka kooban 11 baabuur oo aad u hubaysan ayaa saaka u amba baxay aagaga ay ku suganyihiin jabhadaasi mucaaridka ku ah xukuumadda Muuse Biixi dad goob joog ahaa ayaa noo sheegay in ciidamadaasi ay dagaal la galayaan jabhadaasi hubaysan. Hadii ay xaqiiq noqoto in ciidankaasi ay u socdaan in ay la dagaalamaan jabhadaasi waxa uu dagaalkani uu noqon doonaa kii noociisa ah ee xukuumadda Somaliland ay la gasho kooxo hubaysan iyada oo ay jiraan dagaalka ka so da gobolka Sool. Waxana jira walaac la soo gudboonaaday dadweynaha Hargeysa oo ka cabsi qaba in colaadaasi ay ku soo fido caasimada iyo magaaloiyinka kale ee dalka sida Burco oo aad looga hadal hayo jabhadani Mana jiraan ilaa.hada wax war ah oo ka soo baxay xaga xukuumadda oo.ku saa San ciidankaasi saaka u baxay xaga ay joogaan jabhadu Qaran News Share this post Link to post Share on other sites