Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ruushka oo qaaday tallaabo la xiriirta Somalia kadib markii…

Recommended Posts

Deeq A.   
gg-1-860x645-1.jpg?fit=860%2C645&ssl=1

Saint Petersburg (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka oo qaaday tallaabo la xiriirta deyn cafinta Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in dowladda federaalka ay ka cafisay lacag dhan 684 million oo dollar, taas oo sii xoojineyso isku soo dhowaanshaha labada waddan.

Munaasabad kooban oo ka dhacday magaalada Saint Petersburg ee dalkaas ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin ka kala tirsan labada dowladood, waxaana Soomaaliya metalayay ra’iisul wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac iyo wasiirka maaliyadda Biixi Imaan Cige, halka Ruushka uu u joogay wasiir ku xigeenka maaliyadda Timur Igorevich Maksimov.

Wasiirada labada dowladood ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiiskan oo uu Ruushku kaga dhaafay Soomaaliya lacagtaas oo gaareyso illaa $684 million.

Sida ay shaacisay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya heshiiskan ayaa lafdhabar u ah dhammaystirka geediga deyn cafiska dalka.

Wasiir Biixi Imaan Cige oo heshiiska ka hadlay ayaa yiri “”Farxad ayay ii ahayd inaan Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka la saxeexdo heshiis ay dowladda Ruushku dalkeenna kaga dhaaftay lacag ka badan $684 Milyan”.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay is afgarad ka gaareen lacag dhan 7.5 million oo ay dowwladda Ruushka ku lahayd Soomaaliya.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ka qayb-galayaan shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika, kaas oo looga hadlayo iskaashiga labada dhinac iyo sidii sare loogu sii qaadi lahaa.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa jiray dhaq-dhaqaaq diblumaasiyadeed oo ay waday dowladda Soomaaliya oo si ficil ah u billowday soo celinta xiriirka kala dhexeeya Ruushka.

Labadaan dal oo ay u dhaxeeyaan dhacdooyin taban iyo kuwa togan intaba, ayaa muddo laheyn cilaaqaad micno leh.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Abshir Huruuse ayaa tegay Ruushka bishii May ee sanadkaan, haddana waxaa socda qorshe lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Si kastaba, dad badan oo Soomaali ah ayaa iyaguna su’aallo ka keenay waxa waqtigaan muhiim ka dhigaya xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Ruushka.

362944978_639957194900097_78431416090086 362947227_639957188233431_79255897869946gg-1-860x645-1.jpg?resize=696%2C522&ssl=

The post Sawirro: Ruushka oo qaaday tallaabo la xiriirta Somalia kadib markii… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this