Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya oo kulan gaar ah yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1690440941855.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Dar es Salaam kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo isu socodka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla gartay ahmiyadda uu leeyahay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Argagixisada, oo khatar ku ah guud ahaan amniga gobolka iyo dib u furista xuduudaha oo muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kala hadlay Madaxweyne Ruto fududeynta Dal-ku galka (visa) arrintaasi oo looga ballamay in lagu dhameystiro kulamo loo ballansan yahay labada dhinac.

Iyadoo laga duulaayo tayeynta iyo awood siinta da’yarta iyo kor u qaadida waxbarashada, ayaa Madaxweyne Ruto waxa uu ka aqbalay Ra’iisul Wasaaraha in dowladda Kenya ay noo tababarto 1000 macallin oo wax ka dhigi doona heerarka kala duwan ee waxbarashada Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya oo kulan gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this