Deeq A. Posted July 26, 2023 Hunter Biden oo ah wiilka madaxweyne Joe Biden ayaa la filayaa in uu kasoo hor muuqdo garsoore federal, si uu u qirto laba dambi oo la xiriira canshuur khiyaameyn iyo in uu haystay hub xilli jirkiisu daroogeysnaa. Dambi qirashadan ayaa qeyb ka ah heshiis uu la galay Waaxda Cadaaladda Mareykanka, kaasi oo ay u badan tahay inuu badbaadiyo in xabsi uu galo. Garsooraha Maxkamdda Degmada Federaalka Delaware, Maryellen Noreika, oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, islamaraana guddoomin doonta dhageysiga dacwadda, ayey qasab tahay inay saxiixdo heshiiska. Heshiiska oo lagu dhowaaqay bishii tagtay ayaa imanaya kadib sanado ay Waaxda Caddaaladda baaritaan ku haysay canshuuraha iyo ganacsiyada dibedda ee wiilka labaad ee madaxweynaha, kaasi oo qirtay in uu daroogo isticmaaleyey tan iyo 2015 markii uu dhintay walaalkiis Beau Biden. PUNTLAND POST The post Wiilka Madaxweynaha Maraykanka oo maxkamad la saarayo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites