Sign in to follow this  
Deeq A.

<p>8 Xubnood oo isugu Jira saraakiil Ciidan i...

Recommended Posts

Deeq A.   

8 Xubnood oo isugu Jira saraakiil Ciidan iyo Waxgarad ayaa Ciidamo Hubaysani Kaxaysteenn.

Hargeysa(Qaran news)-Sideed Xubood oo isugu jira Saraakiil Ciidan iyo waxgarad , oo ku Sugnaa Magaalada Go’da kana Tagay dhinaca Magaalada Hargaysa ayaa la sheegay inay kaxaysteen Ciidamo dhowaan galay Buurta Gacan Libaax iskuna Sheegay inay yihiin jabhad.

Sideed Xubood ee la kaxaystay ayaa la ogeyn meesha la geeyay ama ay la tageen Kooxdan Af duubtay.

Wararku Waxay intaas ku darayaan in xubnahani ay u socdeen inay la kulmaan kooxdan hubaysan oo la Soo hadlaan.

Dhowaan ayaa Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Somaliland sheegay in Qaran ahaan iyo Qabiil ahaaba laga Daba tago ciidamada Buurta galay.

Sidoo kale Muj. Dhegeweyne oo ah khabiir sare oo ciidan ayaa isna ku baaqay in xukuumaddu ragaasi buuraha galay ay dhegaysato oo qanciso oo lala hadlo isga oo dul joogsaday ahmiyada ay leedahay nabad galyadu

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this