Sign in to follow this  
Deeq A.

Belaayo madax la qabto ayay leedahay Ee dabo la qabto maleh…

Recommended Posts

Deeq A.   

Belaayo madax la qabto ayay leedahay Ee dabo la qabto maleh…
IMG-20230726-WA0004.jpg
Nidaamka dawladnimo waxa sees ama udub dhaxaad u ah labada tiir ee kala ah
1. Nabad-gelyada
2. Cashuurta laga qaado dadweynaha
waxa muuqata in dhawaanahan ay soo if-baxayaan arrimo wiiqi kara tiirarkaa aan soo sheegay oo maalmahan danbe waxaynu warbaahinta ka daawanay beelaha dega Gobolada Galbeedka Ee Somaliland oo ku baaqaya in ay cashuurta ay bixiyaan joojin doonaan haddii aan wax laga qaban tabashadooda.

Sidoo kale waxa uu dagaal ba’ani muddo lix bilood ah ka socdaa magaalada Laascaanood ee Caasimadda u ah Gobolka Sool oo ka bilaabmay tabasho dadwayne oo jawaabtii noqotay dhagaysi la’aan ka dibna isu beddeshay dagaal toos ah dhacdada ugu danbaysay-na waxa saacadihii ina dhaafay buurta gacan-libaax lagaga dhawaaqay jabhad hubaysan dhacdooyinkaas oo dhami waxay ku wada aroorayaan meel kaliya oo ah madaxwaynaha oo taladii dalka isku koobay albaabkana soo xidhay ficilada noocaasa waxa ka dhasha-na cawaaqibkeedu waa bur-bur dawladnimo oo ay soo kabashadeedu adkaan doonto.

Madaxweynaha waxa saaran masuuliyad culus oo ay tahay inuu guto, taas oo ah in uu ka shaqeeyo xalinta dhibaatooyinka jira, ee ka dhashay talo maroorsiga uu ku kacay iyo aragtida qalafsan ee ah inuu isku wadkii iyo isu tanaasulkii ka doorbiday in tiisu shaqayso. Maalin waalba

Xoghayaha-Caddaaladda xisbiga Waddani
Yoonis Axmed Yoonis

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this