Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daahfuray Shirweynaha caafimaadka Caasimadda

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ana Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray shir weynaha caafimaadka Caasimadda oo sanadkii laba mar la qabto kaas oo ay isugu yimaadaan hey’addaha caalamiga ah iyo kuwa gaarka ah ee bixiya adeegyada Arrimaha Caafimaadka la xariira ee ka howlgala Muqdisho.
Shir weynahaan Caafimaadka la xariira oo ay soo aggaasintay Waaxda Caafimaadka ee Dowalada Hoose Xamar ayaa intiisa badan ah mid islaxisaabtan ah oo ay hey’addaha Caafimaadka kusoo gudbiyaan adeegya ay bixiyaan tayadooda iyo sida ay bulshada ugu qidmeeyaan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ana Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shirkan furay alla kula dardaarmay wakiilada ka socday hey’addaha Caafimaadka iyo madaxda waaxda caafimaadka D.H.X in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan bixinta adeegyo caafimaad oo taya leh islamarkaana loo dhimriyo dadweynaha Soomaaliyeed.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this