Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog laga helay ninkii isku qaxriyey Kulliyadda iyo waxa dhacay markii ciidanku arkeen

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada-ciidanka.jpeg?fit=2048%2C1366&

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad isusoo taraya xogaha laga helayo sidii qaraxa ciidanka badan laayey lagu geeyey gudaha kuliyadda tababarrada ciidamada ee Jaalle Siyaad oo ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Waxaa la xaqiijiyey in ninka is qarxiyey uusan ka tirsaneyn ciidanka oo banaanka laga keenay, isla markaana xerada lasoo geliyey daqiiqado kooban ka hor, inta uusan ku qarxin ciidanka oo saf-dheer ku jira.

Durbadiiba waxaa la is-weydiiyey sida ay ninkaas ugu suurta gashay inuu soo galo xerada, waxaana la qabtay ilaa seddax sarkaal oo mid aad loogu tuhmayo inuu xerada gaari ku soo geliyey ninka is-miidaamiyey.

Saraakiil kuwa amniga ah ayaa soo dusiyey xogta ragga la hayo, kuwaas oo gaaraya seddax sarkaal oo G/Sare uu ugu sareeyo, baaritaano hordhac ah oo durbadiiba la sameeyey ayaa lagu soo qabtay ragaas, waxaana ku socda baaritaan adag.

Sarkaalka ugu darajada sareeya oo heysta G/Sare ayaa la aaminsan yahay in ninka is qarxiyey uu keenay xerada, isla markaana uu ka tegay, ninka naftiisa haligay waxaa u suurta gashay inuu gaaro goobtii ugu dambeysay ee ciidanka lagu feyliyey.

Ugu yaraan 25 askari ayaa geeriyootay 70 kalena waa dhaawacmeen qaraxaas, waxay aheyd subax hore oo ciidanka la geliyey feylal dhaadheer, si loogu bilaabo dhibow looga keenay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Askari ka mid ah ciidanka dhaawacmay ayaa laga soo xigtay inuu arkay ninka is-qarxiyey oo ku soo socda iyo askari kale oo ku qeylinaya “War ninkaan ma qarxi rabaa? War kala carara” kadibna wuxuu sheegay in ninkii uu sidaas ku qarxay.

Arrintaan waxay abuurtay jaho wareer weyn, masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa si adag uga hadlay, waxaana hadda laga war sugayaa baaritaanada ku socda saraakiisha la tuhmay.

The post Xog laga helay ninkii isku qaxriyey Kulliyadda iyo waxa dhacay markii ciidanku arkeen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this