Deeq A. Posted July 26, 2023 Ugu yaraan 34 qof oo ay ku jiraan toddoba askari ayaa lagu dilay weerar ay kooxo burcad ah ku qaadeen gobolka waqooyi-galbeed ee Nigeria ee Zamfara. Weerarkan oo ka dhacay degmada Dan Gulbi ee fog ee ismaamulka Maru ee gobolkaasi ayaa dhacay galabnimadii Isniinta, sida ay soo xigatay wakaaladda Reuters. Lawali Zonai, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa yiri, “27 ka mid ah dadka tuulada ayaa lagu dilay weerarka, halka 7 ka mid ah ciidamada milateriga la weeraray ay u socday inay bulshada ka caawiyaan weerarka foosha xun.” Kooxo burcad ah oo si aad ah u hubeysan oo ay dadku ugu yeeraan “Burcad” ayaa dhibaato xooggan ka geystay waqooyi-galbeed ee Nigeria saddexdii sano ee lasoo dhaafay, iyagoo qafaashay kumannaan qof, iyagoo dilay boqolaal, kana dhigay meel aan ammaan ahayn in lagu safro. PUNTLAND POST The post Kooxo hubaysan oo 34 qof ku dilay dalka Nigeria appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites