Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Saraakiil sare oo loo xiray weerarkii Kulliyadda xilli su’aalo ay hareeyeen NISA

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada-ciidanka.jpeg?fit=2048%2C1366&

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil sare ayaa loo xiray weerarkii dhimashada badnaa ee shalay lagu qaaday xerada ciidamada Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, kaasi oo askar badan lagu laayey. 

Weerarka oo ahaa qarax is-miidaamin ah ayaa waxaa fuliyey qof isku soo dhex daray ciidanka, waxaana ku dhintay ugu yaraan 30 askari, ayada oo in ka badan 70 kale ay ku dhaawacmeen.  

Qaar ka mid ah askarta dhaawacantay ayaa xaaladdoodu liidataa, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashada ay sii kororto. 

Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in la xiray ugu yaraan saddex sarkaal oo uu ku jiro gaashaanle sare, kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay gacan ka gaysteen qaraxa. 

Waxaa sidoo kale jira suurta-galnimada ah in saraakiil kale la xiro, ayada oo dowladdu isku dayeyso inay jawaab u hesho wixii dhacay.

Baarayaasha ayaa si gaar ah u xiiseynaya inay ogaadaan cidda ka caawisay ninka is-qarxiyey inuu soo galo gudaha saldhigga weliba isaga oo walxo qarxo wata. 

Dhinaca kale, saraakiisha dowladda ayaa walaac ka muujiyey weerarada sii kordhaya ee Al-Shabaab ay la beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS, kuwaas oo sanadkii tegay aad u kordhay.

Waxaa hadda su’aalo la iska weydiinaya guul-darrooyinka hay’adda sirdoonka NISA, ee ah inay hesho kana hortagto xogta weerarada, ayada oo bilihii dhowaa aanay hay’addu ku guuleysan inay ka hortagto weerarada Al-Shabaab ay kusoo qaado xarumaha ciidanka.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegaya inaysan wax gacan ah oo muuqata ka helin hay’adda sirdoonka, oo ay isku halleeyaan inay la wadaagto xogta weerarada.

Waxay ugu baaqeen xildhibaanada golaha shacabka in hoggaanka hay’adda looga yeero xarunta baarlamanka, si su’aalo looga weydiiyo guul-darrooyinkan sirdoon ee horseeday geerida boqolaal ciidan.

The post Xog: Saraakiil sare oo loo xiray weerarkii Kulliyadda xilli su’aalo ay hareeyeen NISA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this