Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha shacabka oo bayaan xasaasi kasoo saaray qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidamada-ciidan-scaled.jpeg?fit=2560%2C

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga difaaca golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan deg deg ah ka yeeshay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay lagu laayey askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Qaraxaas oo shalay ka dhacay kuliyadda tababarrada ciidamada ee Jaalle Siyaad ayaa waxaa fuliyey dhagarqabe naftiisa haligay oo soo xirtay waxyaabaha qarxa, wuxuuna galaaftay oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday ku dhawaad 100 askari.

Guddiga difaaca ee golaha shacabka ayaa kulankii ay ka yeesheen qaxaas waxay ka soo saareen war-saxaafadeed, waxayna farriin u direen shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Yuusuf Dhegey Ugaas ayaa shir guddoomiyey kulanka, waxayna xubnaha guddigaan ugu horeyn ka tacsiyeeyeen dhagartii loo geystay ciidankii qaranka ee xaruntaas dhiboowa loo keenay, balse lagu qarxiyey.

Xoghaya guddiga difaaca Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin ayaa warbaahinta u akhriyey bayaankii uu guddigaasi ka soo saaray qaraxii shalay ka dhacay kuliyadda ciidanka ee Jaalle Siyaad.

“Waxaa dhiirigelineynaa oo garab-taaganahay geesiyaasha ciidanka xoogga dalka ee ku howlan difaacidda qaranka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka guddigaan.

Sidoo kale guddiga ayaa shacabka Soomaaliyeed cod dheer ugu sheegay in Shabaab yihiin khatarta ugu daran ee hortaagan rajada dowladnimada dalkaan.

“Khawaarijtu waa caqabadda ugu weyn ee dalkeena soo food-saartay 20-kii sano ee lasoo dhaafay, sidaas darteed waxaan bulshada kula dardaarmeynaa inay is garab taagaan ciidankeenna oo ugu hiiliyaan goob kasta oo ay ku arkaan, gaar ahaan fulimaha ay ku sii baacsanayaan haraadiga Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaankii ka soo baxay guddiga difaaca ee golaha shacabka.

Hoos ka daawo

The post Golaha shacabka oo bayaan xasaasi kasoo saaray qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this