Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda Soomaaliya Ee Tantania

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania kaga qayb galaya Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika, ayaa kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey Jaaliyadda guulaha Xukuumadda DANQARAN ee ku aadden dowlad-dhiska Soomaaliya, dib-u-xoreynta dalka, deyn cafinta, kobcinta dhaqaalaha, arrimaha horumarinta bulshada, shaqo abuurka dhallinyarada iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa, isaga oo ku bogaadiyey doorkooda ku aadden horumarka dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka dhageystay xubnaha Jaaliyadda, xaaladda guud ee Soomaalida ku nool dalka Tanzania iyo doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka.
Dhankooda, Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Tanzania oo kulanka ka hadlay ayaa soo bandhigay sida ay isugu duuban yihiin, islamarkaana ay wada-shaqeynta dhow ula leeyihiin Safiirka Soomaaliya u fadhida dalkaas Marwo Sahra Cali Xasan iyo guud ahaan Safaaradda.
362895704_739413404891935_69514464069792
363355445_739413204891955_69852202161954
363023511_739413411558601_81020768127272
363343512_739413021558640_45418526644246
363286745_739413141558628_39898046818984
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this