Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay safarka R/W Xamza ee dalka Tanzania + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
363345345_639214161641067_46892649698062

Dar Es Salaam (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Tanzania ayaa kulamo muhiim ah ka wada gudaha dalkaasi, kuwaas oo uu la qaadanayo madaxda ka qayb-galeysa Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha ee ka socda magaalada Dar Es Salaam.

Xamza ayaa maanta kulan doceed la yeeshay madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria, ayaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha oo war kasoo saaray kulanka ayaa shaaciyay in looga wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka,.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ka mahad-celiyay taageerada dhinacyada kala duwan iyo mashaariicda uu Bangigu ku taageero dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankeeda madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ayaa ku ammaantay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinaca amniga iyo la dagaallanka musuq-maasuqa.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in Bangigu diyaar u yahay in Soomaaliya uu ka taageero mowduuca hadda looga hadlayo Shir Madaxeedka ee horumarinta karaanka bulshada ee dhinacyada waxbarashada iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horumar la taaban karo ka sameysay nidaamka dhaqaalaha waddanka oo hadda cagta ku haya in Soomaaliya ay soo gabagabeyso hannaanka deyn cafinta dhammaadka sanadkan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa shalay gaaray magaalada Dar Es Salaam ee dalka Tanzania, wuxuuna u tegay ka qayb-galka Shirka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika.

Xubnaha wafdiga ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale.

362935106_639214681641015_80488451204325 363329429_639214091641074_78403272825611 363345345_639214161641067_46892649698062 363347198_639213934974423_52099910092254 363355083_639214191641064_62607407138283 363360811_639214054974411_86340852141054 363379659_639215254974291_39065395482281

The post Wararkii ugu dambeeyay safarka R/W Xamza ee dalka Tanzania + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this