Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xubno isugu jira Soomaali iyo ajaaniib oo lagu dilay howlgallo ka dhacay…

Recommended Posts

Deeq A.   
363371771_739272861572656_65351052224205

Xudur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta howlgallo kala duwan oo khasaarooyin lagu gaarsiiyay Al-Shabaab ay ka dhaceen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaas oo hoostaga Koonfur Gabeed.

Howlgalka koowaad oo ka dhacay galbeedka Waajid ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan Ajaaniib, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan  25 xubnood oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaaniib, kuwaas oo isku uruursanayay halkaasi.

“Ciidanka Xiogga dalka ayaa 25 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dilay deegaanno dhaca galbeedka degmada Waajid ee gobolka Bakool halka tiro intaasi ka bandanna lagu dhaawacay, xilli ay malleeshiyadu isku diyaarinaysay dhagarta shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (Sonna).

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Waajid, Maxamed Macallin Yuusuf oo ka warbixiyay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha la dilay 5 kamid ah ay ahaayeen Ajaaniib halka 20 kale kalena ay ahaayeen Soomaali, ayna ku jiraan saraakiil sar sare.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xubno kale oo dhaawacyo ay goobta kasoo qaadeen, kadib markii ay ka carareen Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ay Al-Shabaab ku qaadeen garoonka diyaaradha degmad Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaas oo uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo xoogaga weerarka soo qaaday.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa shaaca ka qaaday inay iska caabiyeen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay haatan degan tahay xaaladda degmada.

Waxaa kale oo ay intaasi raaciyay inay dagaalka ku dileen ugu yaraan illaa 12 ka tirsanaa xubnaha weerarka soo qaaday, sidoo kalena ay hub ka furteen.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta dalka.

357162536_739272838239325_14154234784268 363289193_739272858239323_57150866581071 363327337_739272841572658_40985720843841 363371771_739272861572656_65351052224205

The post Sawirro: Xubno isugu jira Soomaali iyo ajaaniib oo lagu dilay howlgallo ka dhacay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this