Deeq A. Posted July 25, 2023 Ukraine oo Duqeymo ka Geystay Moscow Moscow(Qaran news)-Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone) ee Ukraine ayaa weeraray dhismooyin ku yaalla caasimadda Ruushka ee Moscow iyo bakhaar hub oo ku yaalla gobolka Crimea ee Ruushku ka goostay Ukraine, waxaa sidaas maanta sheegay saraakiisha Ruushka. Ruushka ayaa sheegay inay soo rideen laba diyaarad oo soo galay hawada Moscow, iyada oo wax khasaare ah uusan dhicin. Mid ka mid ah diyaaradaha ayaa ku dhacday meel u dhow xarunta wasaaradda difaaca Ruushka ee badhtamaha caasimadda Moscow, halka diyaaradda kale ay ku dhacday dhisme xafiisyo oo ku yaalla koonfurta Moscow. Weerarada ayaa yimid maalin kadib markii Kyiv ay wacad ku martay “inay ka aargudaneyso” weerar gantaal oo Ruushku ay ku qaadeen dekedda Odesa ee Badda Madow. Weriyayaasha wakaaladda wararka AFP oo ku sugnaa meel u dhow goobta weerarku ka dhacay oo ah xarunta wasaaradda difaaca ka dhacay ee Komsomolsky Prospekt, ayaa sheegay inay arkeen laba dhisme oo fooqa uu khasaare soo gaadhay. Dhinaca Crimea, Badhasaabka ay Moscow magacowday Sergei Aksyonov ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay soo rideen 11 diyaaradaha drone-ka Ukraine ah. Waxa uu sheegay in weeraro lagu ekeeyey bakhaar hub yaalay, isla markaana ay guri shacab waxyeelo ka soo gaadhay weerarkaas ay fuliyeen Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone), inkastoo uu ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah bixiyo. Aksyonov ayaa sheegay in shacabka laga daadgureeyey xaafado u dhow bakhaarka hubka. Crimea, oo uu Ruushku dalkiisa ku darsaday 2014-kii, ayaa waxay bartilmaameed u aheyd Kyiv intii uu socday duulaanka Moscow ee Ukraine, hase yeeshee waxay toddobaadyadii dhowaa ay la kulmeysay weeraro dhanka cirka ah. Kyiv ayaa marar badan sheegtay inay qorsheynayso inay dib u soo ceshato gobolka Crimea. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites