Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo lagu wado in uu saaka guda-galo wax ka beddelka dastuurka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1690251121377.jpg?resize=720%2C48

Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in uu saaka oo Talaado ah si rasmi ah u guda-galo furista dastuurka.

Fadhiga Baarlamanka ee saaka ayaa lagu ballansan yahay in codayn loo qaado wax ka beddelka dastuurka oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo mucaaradka.

Xildhibaannada ayaa la filayaa in ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyaan wax ka beddelka dastuurka inkastoo aan weli laga heshiin khilaafka ka taagan.

Dhinaca kale waxa socda waan-waanta ay wadaan Islaan Ciise iyo Islaan Bashiir ee lagu xallinayo khilaafka dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa xalay dhanka mucaaradka ka codsaday in aysan wax tallaabo ah qaadin kana war sugaan dadaallada xal raadinta ee socda si loo dhammeeyo khilaafka jira.

Xogta ku gedaaman xaaladda Garoowe ayaa sidoo kale tilmaamaysa in aysan muuqan wax xiisad dagaal ah oo hadda ka taagan caasimadda.

Ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo kuwa dowladda ayaa ku kala sugan xarumoodii hore ma jiraan wax dhaq dhaqaaqyo ciidan ah.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo lagu wado in uu saaka guda-galo wax ka beddelka dastuurka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this