Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo ansixiyay wax ka beddelka dastuurka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa saaka oo Talaado ah ansixiyay wax ka beddelka dastuurka Puntland.

Fadhiga saaka oo ay soo xaadireen 60 mudane waxay aqlabiyad leh ku meelmariyeen ansixinta wax-ka-bedelka dastuurka dowladda Puntland.

54 xildhibaan ayaa ogol ugu codeeyay ansixinta wax-ka-bedelka dastuurka halka ay diideen 6 mudane islamarkaana ma jirin cid ka aamustay.

“Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Dastuurka” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Baarlamanka.

“Waxaa Oggol ugu codeeyay 54 mudane, Diidmo 6, cid ka aamustayna ma jirin. Fadhiga waxaa goobjoog ka ahaa 60 Xildhibaan” ayuu ku sii daray qoraalkaas.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay wax ka beddelka dastuurka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this