Deeq A. Posted July 25, 2023 Laba qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa safaaradda Ciraaq ee caasimadda dalka Denmark ku hor gubay nuqul ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka, tan oo sii xumeyn karta xidhiidhka u dhexeeya labada dal. Labadan shakhsi ayaa ka socday koox isku magacawday “Wadaniyiinta Denmark”, kuwaas oo sameeyay mudaharaad kan la mid ah toddobaadkii hore, isla markaana si toos ah falalkooda uga tabinayey Facebook-ga. Qabanqaabiyaha banaanbaxa maanta ka dhacay magaalada Copenhagen ayaa ku tumanayey kitaabka qur’aanka kariimka ah dabna qabadsiiyey, wuxuuna sidoo kale goobta ku gibay calanka Ciraaq. Source Share this post Link to post Share on other sites