Sign in to follow this  
Deeq A.

Kitaabka Qur’aanka oo mar kale lagu gubay Dalka Denmark

Recommended Posts

Deeq A.   

Laba qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa safaaradda Ciraaq ee caasimadda dalka Denmark ku hor gubay nuqul ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka, tan oo sii xumeyn karta xidhiidhka u dhexeeya labada dal.

Labadan shakhsi ayaa ka socday koox isku magacawday “Wadaniyiinta Denmark”, kuwaas oo sameeyay mudaharaad kan la mid ah toddobaadkii hore, isla markaana si toos ah falalkooda uga tabinayey Facebook-ga.

Qabanqaabiyaha banaanbaxa maanta ka dhacay magaalada Copenhagen ayaa ku tumanayey kitaabka qur’aanka kariimka ah dabna qabadsiiyey, wuxuuna sidoo kale goobta ku gibay calanka Ciraaq.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this