Sign in to follow this  
Deeq A.

War ka soo kordhay wiilkii Hargeysa ku geeriyooday isagoo kubad ciyaaraya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta la filayaa in la shaaciyo natiijada baadhitaankii lagu sameeyay meydka Allaha u naxriistee Khaalid Xuseen Maxamed, oo loo yaqaannay Beegsi, kaas oo geeriyooday Axaddi la soo dhaafay, kaddib markii uu dhacay xili ciyaar socotay.

Wiilkan ayaa fadhiistay kaddibna dhacay iyadoo cayaartu markaa mareysay daqiiqadihii ugu horeeyay ee qeybtii labaad, kaddibna waxaa loola cararay cisbitaalka, halkaas oo uu markiiba ku geeriyooday.

Tartanka kubadda cagta ayaa ka socday magaalada Hargeysa, wuxuu u dhaxeeyay jaamacadda New Generation iyo jaamacadda Hargeysa, Khaalidna wuxuu u cayaarayay jaamacadda New Generation.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ilaa haatan hal wiil loo xidhay geerida Khaalid, kaas oo ay wada ciyaarayeen.

Khaalid ayaa sidookale mar ahaa ciyaartooy ka tirsan heerka labaad ee kooxda wasaaradda cadaaladda balse wuxuu markii dambe u gudbay kooxda heerka koowaad ee Goodir ee Hargeysa ka dhisan.

Waxa la sugaba waa natiijada baadhitaankaas oo saacadaha soo socda la filayo in xeer ilaalintu shaaciso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this