Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamza oo gaaray magaalada…

Recommended Posts

Deeq A.   
363294290_639046531657830_26161606400906

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo wafdiga uu horkacayo ayaa waxay halkaasi uga qayb-galayaan shir-madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika.

Shir-madaxeedka ayaa looga hadlayaa taabba-gelinta awoodda dadweynaha, oo ah ahmiyad gaar ah u leh dalalka qaaradda Afrika, si ay uga qayb-qaataan horumarka qaaradda hiigsaneyso, taasi oo mudnaan gaar ah oo ku aaddan horumarinta bulshada u leh xukuumadda Soomaaliyeed ee Dan-Qaran.

Shirkan oo socon doona maalmo kooban ayaa waxa la filayaa in ay kasoo baxaan go’aamo dhaxal-gal ah, sida lagu yiri bayaan kooban oo uu soo saaray xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Xubnaha wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa kamid ah wasiirka waxbrashada, hiddaha iyo tacliinta sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Dr. Cali Xaaji Aadan, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale.

363271445_639046978324452_48936462195842

363315266_639046584991158_49651610189530

363365053_639046534991163_19694979161416

363294290_639046531657830_26161606400906

363349460_639046354991181_85086825473457

363337156_639046458324504_21204784632748

363327330_639046681657815_75579703631388

363322982_639046451657838_11006926405814

363355986_639046718324478_45124790120076

The post Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamza oo gaaray magaalada… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this