Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Daakhiliga oo Tababar u Qabatay Madax-dhaqameedka Gobolka Salel.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Daakhiliga oo Tababar u Qabatay Madax-dhaqameedka Gobolka Salel.

IMG-20230724-WA0005.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Waaxda Dhismaha Nabada, Dhaqanka iyo Siyaasada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Mustafe Ismaaciil Cabdi iyo Gudoomiyaha Gobolka Salel Mowliid Maxamed Nuur Warsame ayaa si wadajir ah u furay Tababar ku saabsan doorka Madax-Dhaqameedka ee Horumarinta Nabad Waarta.

Tababarkan oo socon doona Muddo laba Cisho ah Degmada Xariirad ee Gobalka Salal.

Ugu horeyn Agaasimaha Waaxda Dhismaha Nabada, Dhaqanka iyo Siyaasada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Mustafe Ismaaciil Cabdi ayaa ka hadlay muhiimadda ay u leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madax-dhaqameedka Gobolka Salal in ay iska kaashadaan nabada iyo horumarinta xasiloonida gobolka, isagoo Agaasimuhu sheegay inay bar bilow fiican u tahay Madax-Dhaqameedka Gobolka Salel in si wadajir ah ugu wada xaajoodaan arrimahooda gaarka ah, iyagoo wada hadal iyo isfahan ku dhamaysanaya wixii ay ugu baahdaan Wasaaradda Arrimaha Guduhuna ay diyaar u tahay inay si dhaw ula shaqayso waxyaabahii lagu xusay kulankana uu noqon doono mid sida ugu dhaqsaha badan Wasaaraddu uga soo tala bixiso.

Taliyaha Qaybta Gobolka Salel Mudane Cabdi Xandule ayaa sidoo kale u mahadnaqay Wasaaradda Arrimaha Gudaha kulankan ay usoo qaban-qaabisay Gobolka salel wuxuu inta ku daray dardaaran guud oo nabada ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Gudoomiyaha Gobolka Salel Mudane Mowliid Maxamed Nuur Warsame, isagoo madax-dhaqmeedka u soo jeediyey hadalo dardaaran ah iyo sidii loo xoojin laha nabadgelyada gobolka Salel, isagoo sidoo kale xusay in Madax-Dhaqameedku door weyn ka ciyaaran horumarinta nabad waarta, wuxuu inta ku daray in Sababta Gobalkab Salel ugu dooranay Degamada Xariirad in lagu qabto waa Degmada ugu badan khilaafka .

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this