Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka IGAD oo Tabobar Ka Warbixinta Isbeddelka Cimilada u soo xidhay Afartan Suxufi

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka IGAD oo Tabobar Ka Warbixinta Isbeddelka Cimilada u soo xidhay Afartan Suxufi

Tabobbar ku saabsan ka Warbixinta iyo Tabinta wararka ku saabsan Isbeddelka Cimilada iyo saamaynta kala duwan ee ay leedahay, oo loo qabtay 40 Weriye oo ka kala socday qaybaha Warbaahinta Somaliland ayaa manta la soo gebagebeeyey.

Tabobbarkan oo uu soo qabanqaabiyey Xafiiska Saadaasha iyo Isticmaalka Xogaha Cimilada ee IGAD (Climate Prediction and Applications Centre) ee Xarunteedu tahay Nairobi, ayaa Afar maalmood ka socday Huteel Jees ee magaalada Hargeysa.
Muddada uu Tabobbarku socday waxa ay Suxufiyiintu ku barteen oo fahan buuxa laga siiyey eray bixinta iyo fahamka guud ee Isbeddelka Cimilada iyo sida ugu haboon ee looga warbixin karo. Waxaanu daba socday tabobbaro xidhiidh ah oo hore Weriyeyaasha Somaliland dhawr jeer uu ugu qabtay Xafiiska arrintan u qaabbilsan Urur-goboleedka IGAD.
Tabobbarka waxa soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland Wasiir Cabdiqqadir Iimaan Warsame iyo Xuseen Sheekh Maxammed oo Qaybta Wacyigelinta Bulshada u qaabbilsan Xafiiska arrimaha Cimilada ee IGAD iyo Cabdirashiid Cumar oo Somaliland u jooga IGAD, waxaanay ka warrameen muhiimadda fahamka xogaha la xidhiidha Isbeddelka Cimilada iyo tabinta toolmoon ee looga baahan yahay Weriyeyaashu inay uga warbixiyaan saamaynta Isbeddelka Cimiladu ku leeyahay nolosha Aadamaha, Xoolaha, Deegaanka iyo noolaha kaleba.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this