Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qaraxii Kuliyadda Jaalle Siyaad oo gaystay khasaare laga yaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidamada-ciidan-scaled.jpeg?fit=2560%2C

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa kordhay khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Waxaa la xaqiijiyey in qaraxii saakay ka dhacay kuliyadda Jaalle Siyaad uu fuliyey nin soo xirtay waxyaabaha qarxa, inkastoo aan la shaacin sida ay ugu suurta gashay inuu soo galo xerada.

25 askari ayaa ku geeriyootay qaraxaas, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, sida xogtaan ay ku soo dusiyeen saraakiil ciidan.

Xogtaan waxay sheegeysaa in 24 ka mid ah askarta dhaawaca ah ay ku jiraan xaalad halis ah, waxaana dhaawacyada la dhigay isbitaallada Xoogga iyo Digfeer.

Xerada uu qaraxaasi ka dhacay oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay leeyihiin waxay ku taallaa degmada Hodan, waxaana la yiraa Kulliyadda Jaalle Siyaad.

Saraakiisha laga helay xogta khasaaraha gaaray ciidanka waxay sheegeen in ninka is-miidaamiyey uu soo dhex-galay ciidanka oo ku jiray safaf dhaadheer, waaberigii hore ee saakay.

Ciidanka la qarxiyey oo u badnaa guutada 14-ka October waxaa laga keenay degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana u socday dhibow ay ku gelayeen xerada lagu beegsaday.

Kooxda Al-Shabaab ayaa masuuliyadda sheegatay daqiiqado kooban kadib markii uu qaraxaasi dhacay, ilaa hadana lama garan sida ninkaas uu ku galay xerada.

Guutada ay ka tirsanaayeen ciidankaan la beegsaday waxaa la aas-aasay sanadkii 2017-kii, xiligaas oo Al-Shabaab ay Muqdisho ka geysteen qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee Soobe oo dhacay 14-kii October.

The post Xog: Qaraxii Kuliyadda Jaalle Siyaad oo gaystay khasaare laga yaabay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this