Xudeedi Posted September 27, 2009 Bosaso: Ciidanka amaanka ee DGPL ayaa waxaa ay Dowladda dalka Masar u gacan gelisay maamulka Puntland ilaa 8 nin oo burcad badeed ah oo ay ciidanka badda ee Masar ay ka qabteen gacanka cadmeed Dowlada Masar ayaa waxaa ay mar sii horaysana ay u gacan gelisay Maamulka Puntlland koox burcadbadeed ah oo afduub u geystay Markab laga lahaa dalka Masar Masuuliyiin dhinac amaanka oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan talaabada ay qaadeen dowlada Masar Saraakiisha ayaa waxaa ay u sheegeen saxaafada in ay dhawaan Maxkamada la soo taagi doono kooxdaan burcadbadeedka ah. Ciidanka amaanka ayaa waxaa ay kooxda burcadbeedka ah ee lagu wareeji yey waxaa ay u taxaabeen Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Maamulka Puntlland ayaa waxaa ay ka codsadeen Dowlada dalka Masar in ay ku soo wareejiyaan kooxdaan burcadbadeedka ah arinkaas oo ay Dowlada Puntlland ay ku guulaysteen. M_M_Deeq Halgan.net Quote Share this post Link to post Share on other sites